Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150 xildhibaan, halja ay diideen 4 xildhibaan oo kaliya, sidaasi ayuuna ansax ku noqday, sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale, mamuulada Galmudug iyo Puntland ayay  si cad uga soo horjeesatay wax ka bedalka xeerka batroolka aan hore looga heshiisin, kaasi oo ay ku tilmamaatay go’aan waafaqsanayn dastuurka kumeel gaar aha Soomaaliya. Sidoo kale Xeerka batroolka ayaa ka mid ahaa qodobadii  keenay in lagu heshii waayo shirkii wadatashiga Garoowe ee fashilmay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.