Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo gabagabeeyay gabi ahaan weerarkii xooganaa ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotel DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyay in la soo afjaray weerarkan, islamarkaana la toogtay dhammaan Raggii soo qaaday.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad gaaraya 14 Qof  ay ku dhinteen dhacdadaasi, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo muwaadin oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan oo ku bilowday qaraxyo, waxaana ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 47 Qof, sida ay hadalka u dhigeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.