Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ahaa ku Rasaasayeey magalaada Wardheer ee Xaruunta gobolka Doolo, sida ay dad goobjoogayaal u xaqiijiyeen Halgan Media.

Dadka ay Rasaaseyeen maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa la sheegay in ay ahaayeen dibadbaxayaal ka soo horjeeday Mamuulka Xaraanta ee Mustafa Cagjar. Weli Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hubka nuucyadiisa kala duwan ee Maleeyshiyaadka Mustafa Cagjar uu adeegsadeen dadka shacabka

Dhacdadaan ayaa imaaneysa xilli ay Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay Hogganka Fashilmay Mustafa Cagjar.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Taliska Mustafa Cagjar iyo mamuul kusheega u Qabilsan gobolka Doolo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.