Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in dagaal adag uu dhexmaray ardayda wada dhigata jaamaca Salal oo ku talla Ismaamulka Oromada.

Dagaalkan ayaa wuxuu sababay khasaaro labada dhinacba ah waxaana la isu adeegsaday tooriyo iyo budhadh. Laba kamida ardayda jaamacada ayaa ku dhimatay qalalaasaha. Dagaalka ayaa ku bilawday dagaal gacan ka hadal ah wuxuuna markii danbe isu badalay dagaal qoomiyado loo kala baxay.

Arinta la iswaydiinayo ayaa ah waxa hubka laysku laayay keenay Jaamacada dhexdeeda balse waxaan ka dharagsanahay is aamin darada kajirta qoomiyadaha kala gadisan ee Itoobiya waxaana lasheegayaa in ay ardaydu mar hore hubkooda kusii diyaariyeen gudaha Jaamacada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.