Wararka ka imaanaya Ismaamulka Benshangul ayaa ku warramaya in malmahaan Ciidamada Itoobiya  ay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo Milatari ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Metekel ee gobolkasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaman ayaa la sheegay in ay ka Howlgallo bilabeen siidi ay sheegan wargeyska addis standard. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli ay Amni darro iyo degnasho la’an ka jirta degaanada Hoos yimaada Gumaysiga Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama deegaandasi ay fariisimo ku leeyihiin Maleeyshiyaad hubaysan. Sidoo kale Dhawaan ayey aheyd markii Maleeyshiyaad hubaysan ay 12 Qof Ku dileen degmada Metekel ee ismamuulka Benshangul.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.