Dowladda Kenya waxay maanta sheegtay inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen xaduud beenadka u dhaxeeyo Gobolka NFD iyo Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana ay xoojiyeen si ay uga hortagaan weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha gobolka NFD.

Maamulayaasha Kenya waxay xaqjiiyeen in Qorshaha Ammaanka yimid, 3 maalin kadib, markii ay Alshabaab weerar ka geysteen Hotel ku yaalla magaalladda Kismaayo ee dalka Soomaaliya.

Tallaabadda ay Kenya ku xoojinayso Ammaanka ayaa waxa uu ku sop obeegmay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen hawlgalladda ay la beegsadaan gaadiidka Ciiddanka Kenya ee socodka Ilaaladda ku mara deegaanadda ku teedsan Xuduudka gobolka NFD.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.