Iyadoo wali uu soconayo wadahadalada u dhaxeeyo Mareykanka iyo urura Taliban ayaa lasheegay in madaxwaynaha Mareykanka uu damacsan yahay in uu yareeyo ciidamadiisa ka jooga gudaha dalka Afqaanistan.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in layreen doono ciidamadooda ka jooga Afqaanistan kahor inta aanan loo dareenin doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Hadalka Pompeo ayaa ku soo beegmaya xilli bisha Sptember lagu madal san yahay in doorasho ay ka dhacdo dalka Afqaanistan.

Mareykanka iyo Afqaanistan ayaa siwada jir ah waxa ay u wadaan dadaal ah in mar kale laqabto wadahadalo miro dhal oo lala yeesho ururka Taliban.

Kooxda Taliban ayaa dhankeeda iska diiday in wax wadahadallo toos ah ay lagasho dowladda Afqaanistan.

Colaada Afqaanistan oo 18 sano jirsatay ayaana loo helin xal waara inkastoo ay jiraan isku dayo badan oo lasameeyay si loo soo afjaro colaada dheeraatay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.