Wararka naga soo gaaraya dalka Soomaaliya gar ahaan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas ay la wareegeen Ciidamada Xooga Dalka gaar ahaan kuwa Danab.

Dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in Ciidamada dowladda haatan ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayaan in dagaalamayaasha Al-shabaab ay gebi ahaan isaga baxeen barqanimadii Maanta degmada Awdheegle, halkaas oo in muddo ah ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin gudaha degmadaas, hayeeshee ay isaga baxeen Al-shabaabkii ku sugnaa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.