Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ku xukuntay, laba nin oo kamid ahaan jiray Ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasahablood2, oo lagu helay dilka Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaiya Maxamed Saleebaan Abiikar (Maxadeey), kaas oo 19-kii bishii October ee sannadkii tegay lagu dilay Hotelka Maa’ida hortiisa.