Rag ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhow 5 Qof oo shacab ah ku dilay degmada Amaro ee ismamuulka Shucuubta Koonfured ee dalkaasi Itoobiya siidi ay sheegan Idacaada DW Germany.

Goobjoogayaal la hadlay Warbahinta ayaa sheegay in dilka kadib kooxdii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoona goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Militariga Itoobiya kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano ay ku daba-joogeen dableydii dilka geystay.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo dilkaas, mana jiraan faafaahin ay ka bixiyeen laamaha amaanka iyo maamulka degmadaba, oo ku aadan dilkaas maanta loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsaniin.

Sidoo kale maalmihii dambe Ismaamulka Shucuubta Koonfured waxaa ka dhacayay dilala iyo weeraro qorsheysan oo ciidna sheegin mas`uuliyadooda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.