Ugu yaraan labo qof ayaa dhintay 2 kalena waa ay dhaacwacmeen, kadib  markii kooxo hubeysan ay rasaaseen dad Oromo ku sugnaa duleedka magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya.

Labada qof ee dhintay ayaa ahaa Dumar, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee degan dalka Itoobiya.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska u qabilsan magalaada Hargeysa — Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in labada qof ee la dilay ay qeyb ka ahaayeen dad la tahriibinayay, islamarkaana rasaas ku fureen gaari ay la socdeen rag burcad ah, sida uu hadalka u dhigay.

Fooxle ayaa tilmaamay in howlgal kadib ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggan geystay toogashada ay isticmaalayeen Maandooriyaha, islamarkaana lagu soo qabtay 861 Ltr oo Khamri ah.

Dilkan loo geystay dadkan Oromada ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay markale soo cosboonaaneyso xiisada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada kadib markii Maleeyshiyaadka Oromada ay weeraren degmada Tuliguuleed ee dhulka Somali Galbeed sedax malin ka hor

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.