Maleeyshiyaadka  Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday Gantaal ku qaaday caasimada dalka Sacuudiga ee Riyadh, sida uu maanta sheegay Taleefishinka Al-Masirah ee ku hadla afka Xuutiyiinta.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga wali kama hadlin weerarka la sheegay in lagu qaaday caasimada dalka ee magaalada Riyadh.

Maleeyshiyaadka Xuutiyiinta oo maamusha Waqooyiga Yemen iyo caasimada Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo sidoo kale taageero ka hela reer galbeedka, ayaa faro-geliyey Yemen sanaddii 2015-kii, si ay isugu dayaan inay xukunka kusoo celiyaan dowladda Yemen oo gacan ku heynta magaaladii caasimadda u aheyd ee Sanca ay kala wareegeen falaagada Xuutiyiinta,

Dagaalka ka socda dalka Yemen ayaa waxa uu galaaftay tobanaan kun oo ruux, malaayiin reer Yemen ah oo ka badbaaday dagaalka daba dheeraaday ee ka socda Yemen ayaa haatan qarka u saaray macluul daran, waxeyna weeraradan sii adkaynayaan dadaallada nabadeed ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey, kuwaas oo la doonayo in xal loogu raadiyo dagaalka gaamuray ee quusta dhigay shacbiga reer Yemen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.