Ciidamada amaanka ayaa albaabada isugu laabay isla markaana xabsiga dhigay shaqaale maqaayad ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay qomiyada Oromada oo ku taal magaalada Burco ee Waqooyiga Soomaaliya.

Shaqaalaha iyo milkiilaha maqaayadaan oo lagu magacaabo Warsan ayaa lagu eedeeyay waxyaabo anshaxa diinta Islaamka ka dhan ah ah, waxaana maqaayadaan ay caan ku tahay bunka iyo canjeero Xabashida.

Maqaayadaan oo ay hirgeliyeen dumar u dhashay Itoobiya ayaa caan ku ah in macaashiisa ka cunteeynaayo loo skido music dabacsan, taasoo ay ka hor yimaadeen isla markaana anshax xumo u arkay culimada magaalada Burco.

Ciidamo boolis ah ayaa gaadiid ku guracay shaqaalaha maqaayadaan oo dhamaantood ahaa Oromo.

Culimada Burco ayaa cabasho iyo dacwo ka gudbiyay maqaayadaan iyagoo ku eedeeyay in ragga iyo dumarka is-dhex fariistaan isla markaana laga shido heeso.

Magaalada Burco ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka culimada ay ku badan yihiin ee kasoo horjeeda waxyaabaha mungurka iyo diinta xanibtay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.