Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolada Jubboyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Koox oo aan Heybtood la garaneyn, ayaga oo marayay  jidka isku xirta degmada Jilib iyo magalaada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose siidi ay sheegan ilo degaanka ah.

Ma cadda khasaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga illaa iyo hadda cida fulisay weerarkaasi dhanka cirka ah.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland oo ku aadan duqeyntaasi.

Duqeymaha iyo howlgalo milatari ayaa todobaadyadii la soo dhaafay si xoogan uga socday deegaanada katirsan Koonfurta iyo Bartaamha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.