Dawladda Itoobiya ayaa taariikhda Markii ugu horeysay Albaabadda u furtay jeelka weyn ee caanka ah ee lagu magacaabo Maekelawi.

Jeelkan oo ku yaala Magaaladda Addis Ababa ee Xaruunta dalka Itoobiya ayaa sanado badan hooy u ahaa siyaasiyiin, saxafiyiin, dadka xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqa iyo shakhsiyaad kale. kuwaas oo inta ay ku jiraan loogu geysan jiray Jidh Dil xoogan.

Ra’isal Wasaaraha Abiy Ahmed ayaa markii loo dhaariyay xilkaasi waxa uu ku dhawaaqay in la xidhi doono Jeelkaasi, waxaanu sidoo kale dibadda uga soo saaray xabsigaasi maxaabiis dhawr sano u xidhnaa arrimo kala duwan.

Dadka ku dhaqan Magaaladda Addis Ababa ayaa u daawasho tagay jeelkaasi, waxaana la arkayay iyaga oo sawiro ka qaadanaya.

Qaar ka mid ah dadkii lagu xidhay jeelkaasi ayaa sheegay in uu ahaa meel aad loogu ciqaabi jiray isla markaana ay u dheerayd qabawga daran ee halkaasi ka jirta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.