Wararka naga soo gaaraya gobolka Doolo gar ahaan Qabalaha Qamuuda ayaa sheegaya in ay ka sii dartay xaaladda biyo la’aaneed.

Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan.

Gud ahaan gobolka Doolo ayaa ka mid ah meelaha ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nolosha, gaar ahaan Biyo la’aanta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.