Wararka nagasoo gaadhaya gobolka Fafaan ayaa sheegaya in markale ayey maleeyshiyaad Oromo xasuuq ugaysteen shacabka Soomaalida Ogadenia oo kunool tuulada Tuli Guleed oo Jigjiga wax yar ujirta.

Inta lahubo 9 ayaa dhimatay markii maleeyshiyaad Oromo si naxaris laan dagaal kuqadeen shacab Soomaliyeed oo waxba galabsaniin. Malmahaan uu dambayay dilaalka iyo barakiciinta ay maleeyshiyaadka Oromada ugaystaan Soomaalida kunool xaduudka Ogadenia iyo Oromia ayaa aad uu kordhaay.

Xasuuqan baahsan ay marwalba maleeyshiyaadka Oromada kuhayaan shacabka Somaliyeed maala aqbaali kaaro. Beesha calaamka iyo waxgaradka kaso jeedo qomiyaada Oromada waa inay wax kaqabtaan ariintan. Inta lagu xasuuqay tuulada Tuli Guleed waxaan ilahay ka baryayna inuu jannah fardowsa ku warabiyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.