Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay fuliyeen kooxo hubeysan oo aan heybtood la garanayniin oo maanta ka dhacay gudaha deegaanka Erero oo katirsan gobolka Borena ee ismamuulka Oromada.

Rag hubeysan ayaa jidka u galaay Kolonyo ay la socdeen ciidamada federalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Oromada, iyaga oo ku socdo bartaamaha degaanka Erero, kadib goobta ka baxsadeen siidi ay sheegan idacaada BBC ee laanta Oromada.

Inta la xaqiijiyey, illaa 5 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Federalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Oromada ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ay ciidamada militariga Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi. Siido kale masuuliyada weerarka ciidna maa sheegin.