Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmaya magaakada Geneva ee dalka Switzerland ka qeybgalaya wafuud heer caalami ah.

Shirka ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka barakacay sidii xal loogu heli lahaaa nolol cusubna loogu sameyn lahaa.

Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in madashaasi ay qudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya.

Hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ay wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan heysata jiilalka ku dhasha qaxootiga iyo sidoo kale Cafimaad daro.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.