Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanka xalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday tuulada Araboow hoos yimaada degaanka Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Halgan Media in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha Mareykanka qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhawaacmay weerarkaasi. Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah xarakada Al Shabaab ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeymahaan oo kasoo baxay Dowlada Federalka iyo maamulka Jubbaland.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.