Wararka nagaa soo garaay gobolka Fafaan ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Oromada ay wiil Soomaaliyeed xalay ku dileen degmada Jinacsani ee gobolkaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay in uu marxuumka qof shacab kasoo jeedo degmada Tuliguuleed oo 20 kilomitir u jirto degaanka Jinacsani, waxaana magaciisa naloo sheegay Cali Ibrahim.

Degaanka Jinacsani oo hore u ahayd deegaan Soomaalida ayaa kal hore Oramadu kala wareegeen Soomaalida.

Weerarada joogtada ah, xasuuqa, iyo barakcinta Oramadu ku hayso shacabka Soomaaliyeed ayaa dadka deegaanku rumeysanyihiin in ay daarantahay damaca ah isku xirka Jinacsani, oo hore Soomaalida loogala wareegay, iyo Boorama, Awdal si loo gaaro xeebta Saylac ee Waqooyiga Soomaaliya.

Jinacsani iyo Boorama waxaa u dhexeeya degmada Tuliguuleed iyo Degmada Awbarre.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.