Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qorahay gaar ahaana degmada Dhobaweyn ayaa waxay sheegayaan in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay shalay galabta kala baxeen gurigiisa Sheekhii ugu weyn degaanka Dhobaweyn.
Ninkan wadaadka ah ayay shalay galabti, maleeyshiyaadka Liyuu Booliska guriga kala baxeen, kadibna xabsiga u taxabeen oo ku taala degmada Dhobaweyn, waxaana magaciisa naloogu sheegay Sheekh Maxamed Deeq.
Maleeyshiyaadka bahaloobay ee Liyuu Booliska ayaa waxay wadaan mudooyinkii ugu danbeeyayba xadhig iyo jidh dil baahsan oo ay ku hayaan dadka shacabka oo aan waxba galabsaniin.
Lama oga ilaa iyo haatan inuu nool yahan iyo in kale ninkan shacabka ah ee maleeyshiyaadka Liyuu Booliska la baxeen.
Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.
Shabakada Halgan Media.