Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar caawa lagu qaaday hogya Sarkaal sare katirsan ciidamada Booliska oo ku yaalla xafaada Xoosh ee degmada Dharkaynleey.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsaday bamgacmeed, iyadoona Raggii ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmeen 3 kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Xarakaada Al Shabaab ayaa sheegtay weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala eegta ciidamada iyo booliska katirsan dowlada Federalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.