Taliska Howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay duqeyn xagga Cirka ah ay ka fuliyeen meel u dhaw Degmada Jilib, halkaasi oo ay Xarakada Al Shabaab ay ku lee yihiin Fariisin.

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu dilay mid kamid ah Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku sugnaa goobta la weeraray.

War-saxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray shacabka  intii howlgalka uu socday.

Agaasimaha howlgalada taliska Mareykanka ee Africom Maj. Gen. William Gayler, ayaa sheegay in u jeedka howlgalkan uu ahaa sidii cadaadiska loogu kordhin lahaa Xarakada Al Shabaab.

Bayaanka ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladd Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa Al-shabaab kuwaas oo had iyo jeer ku taamaya burburinta hanaanka dowladnimo ee dalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.