Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa Goob Ganacsi.

Dilka Muwaadinka oo loo adeegsaday Tooreey ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Dukaankiisa oo ku yaallay Xaafad lagu magacaabo Erzikh oo ka tirsan Magaalada Cape Town, waxaana durbo loola cararay Xarun Caafimaad, hayeeshee markii la geeyay ayuu geeriyooday.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulle Gacal, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee Soomaaliyeed ee kunoolaa Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh Goobaha ganacsi ah, isla markaana ma jirto cid wax ka qabata dalalkaas, waxaana inta badan la sheegaa inay baaritaano sameeyan Ciidanka Booliska Koonfur Afrika.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.