Wararka naga soo gaaraya galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Canfarta weerar is daba joog ah ka fuliyeen galbeedka gobolka Sitti

Ilo degaanka ah ayaa sheegay inay Maleeyshiyaadka Canfaarta weerar kusoo qaaden tuulada Masalu oo katirsan degmada Danlaheylay ee gobalkaasi sitti, kadibna ku dateen gudaha Tuulada, waxaana weerarka ku dhawaacmay hal qof oo shacab ah, waxaana magaciisa naloogu sheegay inuu yahay Muse Cali Farah

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan tuulada Malkada Bodhka oo katirsan degmada Cadayti ayaa weerar xoogan la kulmay kadib markii ay maleeyshiyaadka Canfaarta weerar soo qaadeen, waxaana weerarka ku dhintay Allahu Naxariistee Casowe Cabe Waberi, sidoo kale waxaa la sheegay inay Canfarta dhaceen xoolo aad u badan kadibna u gudbeen dhanka xadka Ismaamulka Canfaarta

Mamuulka Mustafa Cagjar weli kama hadlin weerarada soo noq noqoonayo oo lagu beegsanaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti, waxaana muuqata inuu iska indha tirayo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.