Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada ayaa sheegaya in Nagesse Duube loo magacaabay xil sare oo katirsan hayadaha amaanka u qaabilsan Ismaamulka Oromada sida ay sheegtay idaacadda BBC ee laanta Oromada.

Sida ay sheegtay idaacada BBC ee laanta Oromada, Nagesse Dube ayaa hore uga tirsanaa ururka OFC, wuxuuna hada ku biiray hayadaha amaanka lakiin idaacada BBC weli ma shaacin sababta kaliftay inuu ku biiray hayadaha amaanka.

Go’aanka ayaa mid la yaab leh ku noqday dad badan oo falanqeeyo siyaasadda Itoobiya waayo ururka OFC waxay kamid yihiin ururada u tartamaayo doorashada sanadkaan ka dhici doonto dalka Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.