Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ayaa goor dhow ku dhawaaqday in guud ahaan deegaankaasi bandow lagu soo rogi doono sida ay sheegtay idaacadda FANA oo ku hadasho afka dowladda federalka Itoobiya.
Waxayna sheegeen in wixii hadda ka bilowdo aysan jirin doonin gaadhi ama baabuur soo geli karo Ismaamulka Shucuubta Koonfureed, waxaana la sheegay ujeedada ay tahay sidii looga hor imaado cudurka Coronavirus oo aad ugu faafay gudaha Itoobiya.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa maantay shir jaraaid qabtay asaga oo sheegay inuu cudurka Coronavirus kusii batay gudaha dalkaasi, waxuuna xaqiijiyay in 23 qof uu cudurka ku dhacay.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.