Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in dib loo soo celiyay isgaarsiinta ka maqnayd galbeedka Oromia oo mudda dheer ka maqnaay.

Waxaa la sheegay inuu maanta isgarsiinta dib loo soo celiyay deegaano katirsan galbeedka Oromia taas oo 12 asbuc ka maqneed. Dowladda Itoobiya ayaa horaan isgaarsiinta ka jartay kadib markii ay ciidamada Dowladda ay howlgllo ka bilaabeen deegaa nadaasi ka dhan ah Jabhada OLA oo weli duurka ku jirto.

Hay,adaha caalamka sida Qaramada Midoobey iyo kuwa kale oo la midka ah ayaa cadaadis xoogan ku saaray taliska Abiy Ahmed si uu isgaarsiinta dib ugu soo celiyo, waxaana la sheegay in arintaas ay sababtay inuu isgaarsiinta sii deeyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.