Wareegto kasoo baxday Xafiiska Agaasime Fahad Yaasiin Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir uu Magacaabay inuu noqdo Yaasiin Cabdullaahi Fareey, isagoo bedelaya Taliyihii hore ee KMG ahaa ee Ciise Maxamed Ciise.

Yaasiin Cabdullaahi Fareey oo ah Taliyaha Cusub ee Nabadsugidda qaybta Gobolka Banaadir waxa uu lasoo shaqeeyay Agaasimayaal dhowr ah oo horay usoo maray Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Sidoo kale wuxuu Yasiin Cabdullahi (Fareey) ahaa Madaxa Ilaalada Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waana nin dhalinyaro ah oo muddo ku guda jira howsha Sirdoonka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.