Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya inay ciidamada Itoobiya dhaq dhaaqyo xoogan ka wadaan qaybo kamid ah deegaanadaasi.

Sida aan xogta ku helnay waxaa magaalada Baydhabo gaadhay 85 baabuur oo uuraalo ah iyo 9 cabdi bile, waxaana la sheegay in qaar kamid ah baabuurta jiidayaan Madaafiicda goobta.

Sidoo kale waxaa lasocday caruur iyo dumar badan oo la sheegay inay ahaayeen Itoobiyaan, taas oo ku cadaaynaso inay ciidamada Itoobiya qoysas kooda soo dejinayaan qaybo kamid ah gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Tadobaadyadii u dambeyay waxaa koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kusoo qul qulaayay ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan, lama oga ujeedada rasmiga ah oo ay ka leeyihiin Laakiin waxaa aad looga shaki qabaa inay usocdaan Xeebaha Soomaaliya sidii ay gacanta ay ugu dhigi lahaayeen dekedaha ku yaallo Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.