Dowladda Ingiriiska ayaa Muwaadiniinteeda ugu digay in ay u safraan Soomaaliya sababo la xariira Faafitaanka Xanuunka Dilaaga ah ee Coronavirus iyo dagaalo ka dhaca gudaha dalkaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranta ee dalka Britain (FCO) waxa uu Muwaadiniinta UK kula taliyey inaysan socdaal ku tegin dalka Soomaaliya, sababo la xiriira Fayriska Koroona iyo cabsi la xiriirta weeraro ka dhaca gudaha Somalia.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inta ay Xaalladda Soomaaliya iska bedelayso in si ku-meel-gaar ah loo xadiday tirada Shaqaalaha ka hawlgala Safaaradda ay UK ku leedahay Soomaaliya.

Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain (FCO) waxaa lagula taliyey Muwaadiniintooda ku sugan gudaha Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo dhoofaan, iyadoo hoosta laga xariiqay in aad loo xadiday Taageeridii Qunsuliyadda UK ee gudaha Soomaaliya, iyadoo Muwaadiniintooda ku sugan gudaha Somalia ee u baahda Taageero dhanka Qunsulliyada inay la xiriiraan Safaaradda UK ku leedahay Nairobi.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Muwaadiniintooda ku sugan Somaliland ee u baahan Taageero Qunsulliyadda in ay la xiriiri karaan Safaaradda UK ku leedahay magaalladda Addis Abeba.

Xafiiska Arrimaha UK waxa uu ka digay weeraro ka dhaca Soomaaliya iyo Afduub lagula kaco dadka Reer Galbeedka ee u shaqeeya Hay’addaha Reer Galbeedka ee ka hawlgala Somalia, waa sida hadalka loo dhigay, Xafiisku waxa uu sheegay in ay weli sii socdaan Cabsida weeraro ka dhaca Muqdisho iyo qorshe weeraro ka dhan ah dadka Reer Galbeedka ee ku sugan qeybaha kale ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Ugu dambayntii, Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranta ee dalka Britain (FCO) waxa lagu muujiyey inay Dowladda Somalilandd joojisay dhamaan Duullimaadyadii Rakaabka ilaa amar dambe, waxaana yaraaday Adeegyadii Duullimaadka ee isaga kala gooshi jirey magaallooyinka Hargeysa iyo Addis Abeba.