Dowlada Federalka Itoobiya ayaa sheegay inay hergeliyeen sharci uu barlaamanka ansixiyay sanaadka bilaawgi, taas oo ah in qof walba oo ku nool dalka oo hub heysto inuu is diiwaangeliyo labo sano gudaheeda sid ay wararka u dhigeen idaacada Fana oo ku hadasho afka dowlada Itoobiya.

Dad badan oo falanqeeyo siyaasada Itoobiya ayaa ka shaki qabo sharcigan cusub oo kusaabsan hubka maadaama uu dalka Itoobiya ka jirin Dowlada la isku halayn karo, waxaana laga yaabaa inay Dowlada Federalka qorshaynayso sidii bulshada ku nool Itoobiya hubka looga dhigo taas oo halis badan ku jirto.

Biishii January ayey aheed markii ay Barlaamanka Itoobiya ansixyeen sharci loogu talagalay inuu qof walba oo hub heysto inuu isku diwaangeliyo Dowlada Federalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.