Warar dheeraad ah ayaa kaso baxaya khasaaraha shil gaari oo ka dhacay degmada Kudunbuur ee gobolka Qorahay

inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhimatay, waxaana magaciisa naloo sheegay Bashir Maxamed Bulaan.

Marxuumka ku geeriyooday shilka ayaa la sheegayaa in uu kasoo baxay gudaha magaaladda, wallow aan la ogayn halka ay kusii jeedeen.

Inta badan shilalka noocaan ah ee ka dhaca gobolada dalka ayaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo khibrad xumo darawalad

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.