Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahar Dar ee Ismamuulka Axmaraada ayaa sheegaya in magalaada Bahar Dar lagu qabtay 6 qoori iyo 17 bistooladood oo si sharci darro ah magaalada loosoo galiyay.

Hubka laqabtay Ayaa Lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen xili ay howlgallo ka waden qayba kamid magalaada Bahar Dar.

Waa markii labaad ee mudo isbuuc kayar hub noocan oo kale, Ismaamulka Axmaraada Lagu qabto.

Itoobiya waxaa kusoo batay hubka noocyadiisa kala duwan ee sida Qarsoodiga ah wadanka lagusoo galin hayo. ilaa hada lama yaqaan Cida hubka Itoobiya kusoo daabusha.

Hoos ka daawo Sawiirada