Waxa iska hor imaadyo hubaysan oo dhiig ku datay ka dhacay xaduudka Sudan iyo deegaanka Axmaraada ee dalka Itoobiya dagaaladan oo ah mid qomiyadaysan ayaa waxaa u dhaxeeya qomiyada Axmaarada iyo qomiyad Sudani ah.

Dagaaladan oo salka ku haya isku qabsi dhul oo hada ka hor ay qabsadeen malishiyo hubaysan oo deeganka Axmaraada ee dalka Itoobiya ka socday iyo ciidamada milatariga Itoobiya oo is kashanaya.

Ayaa dib waxa u qabsaday Maleeyshiyaad iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Sudan oo isku dhaf ah oo ka socday dalka Sudan, kuwaas oo amar buuxa ka haystay madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Sudan Abdifatah Burhan dib naa u qabsaday goobtii.

Isku dhacan oo dhacay maalintii shalay ayaa khasaro dhimasho iyo dhawac baa soo gaadhay labada dhinac xaladu way daganayd maalinkii maanta ahaa lakiin lama garanayo inay dib u bilaaban doonto dagaalku.

Walow ay labada dhinac Itoobiya iyo Sudan baa ay ka hadleen xaladan kuna baqeen in xalada nabadgalo lagu soo dabaalo hadana midkasta waa labada dal ee u sheeganayo mulkiyada dhulka.

Shafi Dulane Halgan Media.