Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo Al Shabaab xalay ka fuliyeen deegaanka Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku ekeeyeen fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Shabelle u sheegay inay arkayeen dhaawaca askari ka tirsan ciidanka dowlada, walow aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha kale ee jira.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo la xariira weeraradaasi.

Maalmihii dambe dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco kala soco Halgan Media.