Dalka Jabuuti waxa uu Noqday Dalalka geeska African Kan ugu Tirada Badan Dadka Sida Joogtada ah Looga Diwana galiyo Kiisaska Cudurka Covid19.
Wasaaradda Caafimaadka Waxa ay arbacadii Shalay Shaacisay Tiradii ugu badnayd ee Laga Diwaan Galiyo Dalkaasi waxaana Kiis Dadka uu Asiibay ee Shalay oo arbaco ahayd La Shaaciyey ay gaadhay 210 Kiis tasi oo Muujinaysa Kor u kaca Wadankaasi ee Xanunka Corona Vires.
Waxaana Tirada Dhimashada dadka u geeriyooday Xanuunka oo Hore u ahayd 7 QOf Shalay Laga Diwaan Galiyey Kuna Soo Biiray Tiradii hore Laba Qof oo Kale.
Waxaana Dad uu guud ahaanba Asiibay Wadankaasi ay Gaadhay cago cagaynaysaa Haatan 1,828 Ruuux.
Dhinaca Kale Dalka Itoobiya oo ka mida dalalka Geeska Africa ee La Tacaalay Faafitaanka Xanuunka Covid19 ayaa Arbacadii Shalay Diwaan Galiyey Kiisaskii ugu Badnaa ee Dalkasi Laga Helo tan iyo bilowgii uu Ka DIlaacay Cudurkani Waxaana ay Wasaaradda Caafimaadku Sheegtay in Diqaan Galintii ugu Dambaysay 24 Saacadood ee ugu Dambeeyey Laga Helay Dad Tiradoodu Dhan Tahay 66 Qof.
Wasiirka Caafimaadka waxa ay Sheegtay in Baadhitaano Caafimaad oo Loo Sameeyey Dad Gaadhaya 389 Qof Laga Healy Xanuunka 66 Ka Qof ee Lagu Dhawaaqay natijadooda Arbacadii Shalay.
Wasiirka ayaa Intaasi Ku Dartay in Kiisaska Cudurka Covid19 ee Itooobiya ay Kor u kaceen Labadii Todobaad ee ugu dambeeyey Waxaana Tirada Guud ee Dadka Laga Helay Guud ahaan Itoobiya ay Shaacisay Wasaaradda Caadimaadku In ay Tiradoody Dhan Tahay 365 Kiis Kuwaasi oo 237 Ka MIda ay Joogaan Magaalada Caasimada ah ee Adis Ababa halka Tirada kale ay Ku Kala Sugan Yihiin Deegaanada Kala Duwan ee Dalkaasi.
Halgan Media.