Waxaa wakhti xaadirkan magalada Jigjiga albaabada laysugu laabay meheradaha shaaha suqyada qudaarta dukamada iyo meelaha laysugu yimaado.

Sido kale ciidamo aad u tiro badan una wada socda kolonyo kolonyo ayaa wadooyinka lagu soo dadiyay ayago dadka kala diraya kala xaraynaya.

Bandawgan oo ay ansixiyeen barlamaanka deegaanka ayaa waxay ku soo hagaatay maalinta ciida arinkaas oo shacabku aad uga cadhoodeen.

Sido kale shacabka deegaanka oo ah dad danyar ah oo maxaysato ah ayaan ka bixi karin badawgan noocan ah oo logu talagay dalalka hor maray una siiya lacag si biil ah dadka bandawga lagaliyay.

Sida darteed shacabka deegaanka oo ku raadsada nolol maalmeedkooda xoogsi si ay u mareeyaan noloshooda ayaa hadii ay sii jirto bandawgan noocan ah ay u keeni doonta shacabka dhibaato nololeed taas oo samayn ku yeelan doonta.

Halgan Media.