Bisha ginbood oo sanadkii baa mar laga xuso dalka Itoobiya oo ku beegnayd maanta ayaan laga xusin caasimada Addis Ababa iyo deeganada dalka sabato ah ?

Gimbood waa magac bil oo ka mid ah 13 ka bilood ee Itoobiya leedahay gaara u tirsato, Halka hayaa ay tahay tiro ka mid ah tiirooyinka luuqada amxaariga ah tiradaas oo ah 20 tan.

Hadaba 20tanka ginbood waa maalinkii ay qabsatay dalka Jabhada TPLF, kana guulaysteen dawladii Mingistu Haile Meriam ee dhargiga lagu magaacbi jiray.

Bishan oo qiimo wayn ugu fadhiday Jabhada TPLF ayaa sanad kasta laga xusi jiray dalka itoobiya ayado laqaban jiray munaasabado lagu waynaynayo maalintan halka oo khudbado kala gadisan laga soo jeedinjiray oo lagu xusuusinayo shacabka halgankii TPLF iyo dhiigay soo daadisay.

Meelaha laga xusi jiray waxaa ka mid ah deegaanka Somalida, gobol iyo degmo halkaas oo dadka qaar khasab lagu soo sari jiray qaara rabitaankooda ku soo baxayeen.

Hadaba asbucan aan ku jirno waxay tariikhdu ku beegnayd 20ka ginbood lagamana xusin Itoobiya iyo deegaanada hadaba su’aasha is waydiinta u bahan ayaa ah ginbood maa waxay raacday xukunkii TPLF oo isbadalka ayaa wabiga ku daray mise kala xidhka xanuunka covid-19 dartii oo cidna isu soo bixi karin ayaa loo xusi wayay maanta madama ay tahay xuska ginbood qodob tastuuri ah xuskeedana qeexayo qodob ka mid ah tastuurka itoobiya.

Itoobiya oo ka koobanayd 9 ismamuul dhawaana ay ku soo biirtay deegaanka 10naad oo ah walayta kana go’day deegaanka shucuubta konfureed lana magac baxay hadiya caasimadna ka dhigtay magalada hosana ayaa tirada deeganada itoobiya ka dhigaya 10 dawlad deegaan.

Hadaba maalinkii maanta ahayd meesha ama deegaanka kali ah ee ay ka dhacday munasabada ginbood haya waa deegaanka tigray caasimada makala iyo dhamaan ba gobolada deegaanka.

Ugu danbayn deegaanka somalida oo ginbood u tahay maalinkii laqabsaday gacantana ay u gashay kooxdii TPLF xoogna ku soo banaan bixi jiray ayaan meel ka mid ah laga xusin cid soo hadal qaadayna jirin arinkaas oo aad ay u soo dhawaynayaan shacabku kuna tilmaameen neecaw xoriyaadeed oo ay dareemayaan.

Halgan Media.