Xiisadda u dhaxaysa Axmaraada iyo Tigreega, oo ah labada gobol ee ugu awoodda badan Gumaysiga Itoobiya, ayaa sii kordheysa kadib markii wadanku uu doorashooyinkii u dhigay sanadka dambe, sida ay sheegtay Hey’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha, International Crisis Group (ICG).

Tigreega oo ku dhawaad 30 sano dalka xukumayay ayaa waxaa gees u riixay Dowladda Federalka ah ee fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa, taasi oo kordhisay khatarta ah in uu dagaal militari ka dhaco waqooyiga. Labada gobol waxay wadaagaan xuduud waxayna isku khilaafsan yihiin xilliga la qabanayo doorashooyinka federalka.

Warbixinta hey’adda caalamiga ah ee xasaradaha waxay sheegeysaa in muranka u dhaxeeya Amxaaradda iyo Tigreega uu yahay kii ugu qaraaraa oo ay hurisay qowmiyanimadda labada gobol.

William Davison, oo ah taxliiliye sare oo kooxda xasaradaha u qaabilsan Itoobiya, ayaa sheegay in muwaadiniinta Amxaaradu ay rumeysan yihiin in goobo muhiim ah oo ay ku jiraan Wolqait iyo Raya ay goosteen Tigreega markii la sameynayay qariiradda federalka Itoobiya, horraantii sagaashamaadkii.

Iyadoo ay xiisaddu sii xoogeysatay, xisbiga Tigreega ee ah xisbul xaakimkii hore ayaa ku goodiyay in ay qabsanayaan doorashooyinkooda gaarka ah.

Qorsha doorashadda ayaa siyaasiyiinta Tigreega iyo Amxaaradda ku hogaamiyay in ay meel adag kala istaagaan, sida lagu sheegay warbixinta oo soo xiganeysa hadalkii uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ahaa in ficil xumo walba oo dhexmarta labada gobol ay dhaawici doonto dadka iyo dalka.

Davison waxaa uu tilmaamay in xiriirka u dhaxeeya xisbiga Tigrayga iyo Dowladda Federalka Ethiopia uu sii xumaanayo.

Saraakiil badan oo ka tirsan Amxaaradda iyo Tigreega oo uu ku jiro Madaxweyne ku-xigenka gobolka Tigreega Fanta Mandefro ayaa diiday inay ka jawaabaan si wax looga weydiiyo khilaafka goboladda u dhexeeya.

Laakiin, Dessalegn Chanie Dagnew oo ah Guddoomiyaha dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ah ee Amxaaradda ayaa sheegay in qariiradda Itoobiya oo lagu saleeyay dhul-qowmiyadeed ay tahay sababta khilaafka, mana ahan Amxaaradda iyo Tigrayga keliya ee sidoo kale gobollo badan ayuu khilaafku ka jiraa.

“Waxaan dhihi lahaa fowdadu waxay ka dhacday melo badan kuma koobna keliya Amxaaradda iyo Tigrayga,” yuu yiri Dessalegn. “Laakiin haddana ma filayo in uu jiri doono isku dhac.”

Si loo yareeyo xiisadda, Kooxda Caalamiga ee Xasaradaha waxay ku taliyeen in guddiga xuduudaha qaranka uu fududeeyo wada xaajoodka isagoo ka warbixinaya dhulka lagu tartamayo ee labada gobol.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.