Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhig ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib dagaal toos ah uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo muddo saacado socday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare, balse aysan cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta lagu diriray dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku waada fariisimaha ciidamada Itoobiya ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Halgan Media.