Qaraxa waxa uu ka dhacay darbiga Xarunta Ciidanka Canshuuraha Bariga ee Booliska Somaliya oo ku taallo ka soo horjeedka Dakadda Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska ruux naftii halige ah oo watay gaari qarax ayaa goobtaasi isku qarxiyay.

Shan ruux oo afar ka mid yihiin Ciidamada Booliska & ruux shacab ayaa dhaawac soo gaaray, qofkii isqarxiyayna wuu dhintay.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ammaanka Muqdisho wuxuu ahaa mid hagaagsan oo uusan ka dhicin Qarax gaari, kadib markii Booliska si wayn u adkeeyen ammaanka.

Halgan Media.