Wararka nagaa soo garaaya gudaha Ogadeniya ayaa sheegaya inuu xalaad adag ay ku jiran qar kamid dadka degan gobolada Afdheer iyo Doolo siida ay sheegan dadka degaanka oo la hadlay Halgan Media.

Siida aan xogta ku helnay biyo laan ayaa laga sheegaya degmooyinka Hargeele iyo God God oo labada katirsan gobolkaasi Afdheer. Sidoo kale waxaa la sheegay in degmada Danood oo katirsan gobolka Doolo Iyo tuuloyinka hoos imaado Danood inu jira biya laan aad u daraan.

Dhibaatadan samaayn weyn ayuu ku samayay dadka degaanka, waxaana la sheegay inay weli jirin wax gurmad ama tilaabo ay qadaay mamuulka Dowlad Degaanka oo lagu caawi lahay dadkan.

Siido kale masuuliyinta u qabilsan gobolka Doolo iyo Afdheer aan la xariirnay ayaa ka gabsaday inay ka hadlan arrimahan oo dhibaato weyn ku haayo dadka shacabka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.