Dibadbadbaxo xooggan ayaa maanta ka socda magaalada Addis-Ababa, ayada oo dadka ay dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilka 23 qof, oo lagu dilay weerar xalay ka dhacay duleedka caasimadda Addis-Ababa.

Saraakiil iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in rabshadaha oo ku salaysan qowmiyad ay dileen 23 qof, ayna sababeen in boqolaal kale ay ka qaxaan guryahooda.

Dibadbaxyaasha ayaa dowladda Itoobiya ka codsanayay inay ilaaliso ammaanka shacabka gaar ahaan qowmiyadaha laga tiro badanyahay kuwaaso sheegay in la bartilmaameedsaday.  Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka xalay dhacay ay ka dambeeyeen dhallinyaro Oromo ah, kuwaasi oo beegsaday dad kasoo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay, sidoo kale bililiqeystay oo burburiyey goobo ganacsi.

Warkan iyo wixi kaso kordho ka