Wararka naga soo gaadhay gobolka Shabelle ayaa sheegaya in ay Liyuu Booliska dad shacab ah ku dileen degaanka Bayaxow ee gobolkaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ugu yaraan sedax qof saaka lagu dilay degaanka Bayaxow, tiro kale na waay ku dhaawacmeen sida ay xaqijiyeen ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaro.

Sida aan xogta ku helnay, maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa ku amray qoysas shacab ah in ay ka guuraan deegaankaas, Ismarkii ku bilabeen rasaas, waxaana goobta ku dhintay ugu yaraan sedax qof oo mid dumar tahay.

Qoysaskan oo ahaa xoola dhaqato reer miye ah ayaa markii hore ay Ciidamada dowlada Itoobiya ka soo barakiciyeen nawaaxiga deeganada Ceelasha Shidaalka ee degmada Carmaale.

Halgan Media.