Waxaa sanadkan la filayaa in xuska sanad guurada 34aad ee ururka ONLF, uu ka dhicidoona melwalba ay shacabka Somalida Ogadenia kunool yihiin. Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], ayaa waxaa la aas aasay August 15 1984, waxaana lagu aas aasay magaalada Muqdisho.
Xiligaas oo ay dadweynaha Somalida Ogadenia quus ka istaageen dhaqdhaqaaqii halgan ee ay waday Jabhada Xoraynta Somali Galbeed [JXSG], oo iyagu xiligaas taladeedu ay gacanta u gashay dawladii Somaliya.
Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya ayaa waxaa aas aaskeeda lahaa rag u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya oo joogay Somaliya oo ay ka mid ahaayeen, Ustaad Cabdiramaan Yuusuf Magan, Axmed Jaale, Sheekh Ibraahin Cabdala, Maxamed Siraad Dolaal, Abdi Ibrahin Geelle, Cabdulahi Mohamed Sacdi.
Jabhadda oo muddo ku dhow lix sano dalka dibaddiisa ka wadday halgan siyaasadeed oo ay adduunweynaha kaga dhaadhicineyso qaddiyadda Ogaadeeniya iyo heerarkii ay soo martay waxay gudaha Ogaadeeniya gashay sannadkii 1990kii kaddib markii ay soo bexeen ifafaalayow muujinaya in ay burbureyso dowladda mangistu, waxayna shirkii ku meel gaadhka ahaa ee ugu horreeyey ee ay ku yeelatay gudaha dalka ku go’aansatay in ay ka qayb gasho shirkii loogu magac daray shirweynaha nabadda iyo dimoqraadiyadda ee lagu qabtay magaalada addis ababa bishii July ee sannadkii 1991kii laguna dhisay dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee baddashay maamulkii mangistu.
Intaas kaddib waxaa bishii January ee sannadkii 1992kii magaalada Garbo ee gobolka Nogob lagu qabtay shirwenihii koobaad ee jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya, waxaana lagu dhisay gole dhexe oo ka kooban 45 xubnood oo uu xoghaye guud u yahay Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed, waxayna ka qaybgalayaasha shirkaas dhiirri galiyeen in laga qayb qaato dimoqraadiyadda ay itoobiya ku baaqday inta ay daacad ka tahay.
Shirweynaha addis ababa waxaa lagu sixiixay axdi qarameed ay ku qanceen qodobadii ku qorraa ka qaybgalayaasha shirka yididiilo weynna galiyey ummadihii kusoo jirey halganka hubeysan ee muddada dheer soo jiitamayey. EPRDF oo ahayd ururkii ugu awood roonaa ururradii dowladda ku meelgaadhka ah ku dhisay addis ababa lana doonayey in ay la timaaddo aragti siyaasadeed iyo mid maamul oo ay ka muuqato dabacsanaan iyo niyad wanaag ay ku qanci karaan dadyowgii ku hoos jiray maamulkii itoobiya ayaa u leexatay danaheeda gaarka ah, waxayna muddo yar kaddib lasoo baxday waji iyo dhaqan ka baddalan wixii laysla ogaa ee meesha la wada dhigtay.
Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) oo muujineysa dulqaad siyaasadeed waxay indhaha ka laabatay dhammaan xadgudubyadaas aan soo sheegnay si ay u hanato dareenka shacabkeeda oo qaar badan oo ka mid ah dhagaha looga buuxiyey waxyaabo runta ka fog, arrintaasuna waxay kalliftay in ay jabhaddu xaqiijiso laba qodob oo muhiim ah iyadoo waliba hor istaagyo badan kala kulmeysay dhinaca hogganka sare ee TPLF, waxayna labadaas qodob kala ahaayeen: waa kan horee waxay ku guuleysteen hirgalintii iyo meel marintii ololihii doorashada. Iyo qodobka labaad oo ahaa dhismihii baarlamaannada heer qoomiyadeed iyo heer deegaan.
EPRDF oo u arkeysay ku guuleysashada ONLF ee labadaas qodob ee aan soo sheegnay in ay tahay arrin ka hor imaaneysa maslaxadeeda gaarka ah waxay intii awooddeeda ah ku dadaashay in ay minjo xaabiso maamulkii baarlamaanka qoomiyadda soomaalida ee ay jabhaddu hoggaamineysay, arrintaasuna waxay saldhig u noqotay is faham la’aan dhex marta maamulkii qowmiyadda iyo golahii wakiillada dowladda dhexe ee ay awooddiisa hayeen Melles iyo Jabhada TPLF.
Jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) iyadoo taas ka duuleysa ayey dowladdii dhexe ee itoobiya u gudbisay aragtideeda ku aaddan aayaha shacabkeeda, waxayna codsatay in laga qaado afti si ay u muujiyaan rabitaankooda maadaama ay tahay fursad maanta la gudboon. Dhanka kale baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ayaa shirkiisii magaalada Jigjiga ee horraantii sannadkii 1994kii ku ansixiyey in afti laga qaado shacabka soomaaliyeed ee itoobiya gumeysato. Waxay jabhaddu u arkeysay codsigeeda in uu saxanyahay kol haddii ay EPRDF iska dardartay xuquuqdii uu ballan qaaday axdigii lagu dhisay dowladdii dhexe ee qoomiyadaha. Dhammaadkii shirkii baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ee jigjiga lagu qabtay isagoo aan lagu kala ambabixin EPRDF waxay 22nd February sannadkii 1994kii weerar ku qaadday guddoomiyihii jabhadda ONLF Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo socdaal ku joogay magaalada wardheer iyagoo doonayey in ay qabtaan hase yeeshee waxaa dagaal difaac oo gacmaha laysla galay kala hor tagay shacabka reer wardheer oo ay taageerayaan cutub yar oo ka tirsan ciidanka xoreynta ogaadeeniya.
Dagaalkaas oo ay ku naf waayeen tiro ka badan 50 qof oo reer wardheer ah wuxuu ahaa mid ayna u kala hadhin yar iyo weyn dadka magaaladu, taasina waxay argagax iyo filanwaa ku noqotay ciidankii gumeysiga ee halkaas joogay oo dagaalkaas ku waayey in ka badan boqol askari, waxaana halkaas ku fashilmay isku daygii ciidanka EPRDF ee ahaa qabashada halgame Sh.Ibraahim iyadoo ay badbaadday sharaftii dadkayaga. Weerarkan oo dhacay kaddib markii uu soo baxay go’aankii baarlamaanka waxa uu la midyahay weerarkii birqod ee dhacay 21st January sannadkii 1992kii maalmo uun kaddib shirkii garbo ee lagu dhisay hoggaanka jabhadda. Guuldarradii wardheer intii kadanbeysay EPRDF waxay billowday in ay kulamo kala duwan kula yeelato magaalooyinka addis ababa, harar, qabridahar iyo godey qaar ka mid ah qaybaha bulshada, kulamadaas oo ay uga gol lahayd in ay ku ogaato aragtida dadweynaha ee ku aaddan go’aannada jabhadda iyo baarlamaanka. Meles Zinawi oo ay usoo baxday inaan loo xiiso qabin aragtidiisa ayaa weerar ku qaaday xarumaha jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ee ku yaalay gudaha dalka.
Weerarkii EPRDF Kaddib shir uu isugu yimid hoggaanka sare ee ONLF 20th April sannadkii 1994kii wuxuu ku dhawaaqay in ay jabhaddu halgan hubeysan la galeyso ciidanka itoobiya ee ay horseedka u yihiin qowmiyadda tirada yar ee tigreega ee aan caddaaladda, dimoqraadiyadda iyo nabad ku wada noolaanshaha midna garaneynin. Muddadaas lagasoo bilaabo waxaa dhacay iska hor imaadyo badan oo aan lasoo koobi karin, waxayna EPRDF qorsheysay dagaallo culus oo ay ku dooneysay in ay jabhadda dalka kaga saarto, si ay taasi ugu suuro gashana waxay billowday in ay isticmaasho tabihii jabhadda kuwo la mid ah oo ah nidaamka dhuumaaleysiga; way lugeysay, way guureysay oo baqooshay iyadoo ku talo gashay in ay ONLF kaga daaliso.
Markii ay ku guul darreysatay qorshahaas waxay billowday tabo cusub oo ay ka mid yihiin in ay dadka reer guuraaga ah gabagabeyso si ayna jabhadda u kaalmeynin, waxaa kaloo ka mid ahaa tabaha cusub in ay ceelasha degto si ayna jabhaddu uga cabin, waxaasoo dhanna way ku guuldarreysatay waxaana daliil u ah muddo afar sano ah kaddib waxa gudaha Ogaadeeniya lagu qabtay shirweynihii labaad ee jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya kaasoo lagu beeniyey islaweynidii ciidankii Itoobiya oo awood kasta u diyaarsaday in uu hor istaago kulanka ay isugu imaanayaan xubnaha jabhadda oo ka kala imaanayey adduunka daafihiisa. ila hada ONLF waxaay wadaan halgan hubeeysan sii dalka laga xoreeyo gumeysiga itoobiya.