Ra’iisul wasaaraha gumeysiga Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu booqasho ku tago magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eritrea.

Booqashadan oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa Abiy ku wehlinaya mas’uuliyiin sare oo dalkaasi ah, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo aad u muhiim ah.

Abiy ayaa noqonaya Ra’iisul wasaare Itoobiyaan ah midkii ugu horreeyey ee booqda Asmara muddo 20 sano ah kadib. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.