Wararka naga soo gaadhaya Itoobiya gaar ahaan xadka u dhaxeeya Gobolada Oramada iyo Binishangul ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay 4 sargaal oo katirsan maamulka Gobolka Binshagul Gumuz.

Afartan sargaal ayaa lagu dilay gudaha Gobolka Oramada gaar ahaan magaalada Gimbi xili ay kasoo noqonayeen shir maamulka Oramada iyo Binishangulka ku dhexmaray Wellega oo katirsan Gobolka Oramada.

Masuuliyiinta ladilay ayaa waxaa jidka ugalay rag hubaysan wayna laayeen,Taliyaha booliska magalada Kemesh ee Gobolka binshagul ayaa sheegay in xaaladu kacsantahay guud ahaana ganacsigii iyo wadooyinkiiba laxidhay kadib markii dilka masuuliyiinta lamaqlay.

Meela badan oo Itoobiya kamid ah ayaa waxaa kasocda dagaalo u dhaxeeya qomiyadaha Itoobiya ee kaladuwan lamana oga halka xaal kudanbayn doono.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media