Wasiirka gaashaandhigga Sudan, Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf ayaa taleefishinka qaranka dalkaas ka sheegay in ciidamada ay xukunka ka qaadeen islamarkaana xireen madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

“Waxaa aniga oo ah wasiirka difaaca ku dhowaaqayaa in xukunka laga tuuray taliskii islamarkaana madaxii taliska meel ammaan ah lagu hayo” ayuu yiri Ibn Auf.

Waxa uu sheegay in milatariga ay xaalad deg deg ah geliyeen dalka, islamarkaana dhiseen guddi maamula dowladda muddo laba sano ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dowladihii heer gobol iyo heer deegana la kala diray.

Al-Bashiir ayaa afgambi ay taageerayeen Islaamiyiinta ku qabsaday xukunka sanaddii 1989-kii, waxaana xukunka laga tuuray kadib afar bilood oo dibad-baxyo joogto ha.

Dibad-baxyada Sudan ayaa billowday 19-kii December 2018, markaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dowladda Al-Bashiir ku eedeeyeen inay si xun u maareysay dhaqaalaha dalka, taasi oo sababtay sare kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.